Wednesday, December 10, 2014

Waa La Isaga Daba Imaan Waana La Xisaabtami

Maalmihii ugu darnaa ee xaalad xumida wadanka ayadoo lagu guda jiro waqti akstaahina dad loo dilo siyaaabo kala duwan oo aysan jirin cid taqaan ama sifeyn karta danbiilaha dhabta ah ayaa waxaa soo if baxaya dadkii oo u qeybsamay sedex qeeboood waa qeybta koowaade

Dhalinta, dad baa jira u weecday dhanka dhalinta cusub kuwaasoo laga mashquuliyey u tallinta reerkooda ama latalinta dadkooda iyo u adeegida shacabkooda loona mashquuliyey kubad ciyaar iyo labis la ciyaar halkii ee wax barashadooda anficilaheyd

Siyaasiyiinta, dad kalaa jiroo lagu mashquuliyey siyaasada xiligii ee fursada siin lahaayeen dhalinta soo socota ama soo kobceysa sidoo kalena ah dad qabyaalada dhankeda ku bohoobay una weecday kane weecday dadnimadoodii iyo diintoodii xiligan waxaa lagu jiraa xiligii lamagaacaabi lahaa raysul wazaare cusub ee dowlada somalia ee yeelato waa waqtigii is qab qabsiga siyaasiyiinta ileen diin kala celisa malahane laaluush bee ku iibsadeen danahii soomaaliyeede dadkoodii bey gadanayaan ayagoo miir qaba'e cidi lama hadli karno ileen ayageynu doorana'e balse waa la isaga daba imaan doonaa mar aan maanta aheyne

Odayaasha, dadkalaa jiroo la yiri odayaal dhaqameede, anigu ma garan halka lagu doortaye' goordanbaan maqlaa ayagoo cidaacadaha ka qeyliya'e waa kuwii ciida inagu aasay kolkaan isku dhiibnaye waa kuwii burcadda gacmaha inoo galiyey iibsaday dholkeeniiye,
war dadoo goormaan xal u helnaa odayaasha waqtigii ee cibaadeesan lahaayeen cimrigoodiiba gabaabsi yahay ina kala geeyey inakala qeybiyey ina kala dhantaalay

fadlan fikirkaada oo nadiif ah ku cabir halka hoose si uu u waaro fikirkaada mahadsanid .